Mega Star Salman Khan ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday atooraha koonfur India si qaas ah Tamil-ka uu ka taageero waqtigaan la joogo dad badan sidaan wada ognahay marka ereyga Superstar lasoo magac qaado dhanka koonfur India waxaa durba lala soo booda Rajnikanth.

Thalaiver Rajnikanth waa Superstar-ka kowaad ee koonfur India waxaana qaacido ah ama qasab ah marka aad koonfur India joogto in magaca Rajni aad ka hormariso “Superstar” hadii kale taageeryaashiisa ayaaba kula dagalaayan.

Hadaba nin heerkaas joogo ayaa la islahaa Salman wuu ku dhawaaqi doono balse jawaabtii uu bixiyay lama filaan ayee noqotay maadama Sallu ku dhawaaqay inuu taageero buuxo u yahay Superstar Thala Ajith Kumar.

https://www.instagram.com/p/B6X-xx8hy8C/

Salman ayaa Chennai maalmo kahor u aaday inuu Dabangg 3 xayeysiin ugu soo sameeyo markaas ayaa suaashan la weydiiyay xili uu ka qeyb qaadanaayey barnaamij Tv-yada Tamil kabaxa waliba waxuu raaciyay inuu aad u jecel yahay filimka Ajith ee Vaali.

Vaali waxuu Ajith ku jilay labo waji waxaana macquul ah in Sallu mashruucan isagoo Bollywood ah dib u sameeyo maadama uu ku dhawaaqay inuu jecel yahay Filimsameyaal qaar ayaana sii keeydsan doonaan sidee u badantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here