Home » Nolosha Jilaayaasha » Salman Khan Oo Waardiyaasha Badsaday Loona Cabsanaayo In La Dilo Kadib Markii Shirkhoolo Badan Loo Dhigay!!

Salman Khan Oo Waardiyaasha Badsaday Loona Cabsanaayo In La Dilo Kadib Markii Shirkhoolo Badan Loo Dhigay!!

Salman Khan oo kamid ah shaqsiyaadka ugu caansan dalka Hindiya ayaa la sheegay in noloshiisa ay Qatar weyn ku jirto maadama uu u dhaartay Gangster-ka weyn ee kasoo jeeda gobolka Rajasthan Lawrence Bishnoi.

Bilawgii sanadkaan Gangster Lawrence Bishnoi waxuu u dhaartay ama u caqa jugleeyay Salman Khan inuu dili doono xili Sallu ku sugnaa Jodhpur sido kalena Salman waa lasoo weeraray isagoo Race 3 duubayo balse Police-ka ayaa arinkaa ka hortageen sidaan horey idiin kugu sheegnayba.

Hadaba Lawrence Bishnoi qorshihiisa dilka Salman ayuu fulinayaa isagoo xabsiga ku dhexjira dad ayaana u shaqeenayaan waxaana la sheegay in hader Police-ka hareereyeen aqalka Salman ee ku yaala xaafada Bandra magaalka Mumbai.

Nin lagu magacaabo Sampat Nehra ayee Police-ka Hyderabad soo qabteen sido kalena xireen waxayna halkaas ka ogaaden in ninkan soo dirsaday Lawrence sido kalen mudadii u dambeysay uu ak joogay hareeraha guriga Salman Khan.

Waxaa Tell-kiisa laga helay sawirada Salman xili uu dabaqa saaranyahay sido kalena taageryaashisa halkaas ka salamaaya waxuuna ninkaan baarayey xiliyada ugu wanaagsan ee uu Salman dabaqiiqsa sare ku nasto ayado halkaas looga qorsheyay in laga toogto qori ahaan ama shiish ahaan bilawgii bisha May oo dhan ninkan waxuu joogay xaafada Bandra isagoo ku wareeganaya guriga Salman balse Police-ka ayaa daba gal ku hayeen waxaana lasoo xiray 6 bishaan June baaritan kadiban arinkaan ayaa soo baxday.

Gangster-kaan xiran ee donayaa Salman inuu dilo waxay u badantahay inuu rabo aargoosi ah maadama Salman ugaarta deerta ee dunida ka dhamaaaneysa maanta uu Salman toogasho ku dilay 20 sano kahor.

Maadama Lawrance kasoo jeedo Rajasthan waxuu doonaya inuu ugaar dartees ah darteed uu qudha ujaro jilaagan, hader Police-ka amaana Salman ayee sugayaan ayadoo waariyaasha loo badiyay jilaagan waxii warar kasoo kordha waan idiin la wadaagi doonaa..

One Response to Salman Khan Oo Waardiyaasha Badsaday Loona Cabsanaayo In La Dilo Kadib Markii Shirkhoolo Badan Loo Dhigay!!

  1. Babu

    June 12, 2018 at 4:04 pm

    Hhhhhhhhhhhhhh war ileen laadaradu iyagoo dhaby jiraan in filimta uun lagujilaan uhysteee