Mega Star Salman Khan waxuu ku guda jiray duubista barnaamijka Big Boss 13 oo Tv-yada laga daawado qeybo hore ayuuna sanadihii lasoo dhaafay sameeyay waana barnaamij caan ah oo madadaalo dhameestiran leh.

Xalay xalqadii la duubay oo caawa la daawan doono waxaa lagu arkay wax aan horey loo arag maadama Mega Star Salman Khan isagoo careysan ama xanaaqsan goobta ka tagay.

Khan oo ku guda jiro howsha duubistana socoto wuxuu dhibsaday dadka la shaqeynayeen waxaana moodaa qof soo dulqaadanaayey mudo kadibna halmar ayuu xanaaqay jaakada intuu siibtay ayuu yiri isagoo sii socda oraahdan.

“Aniga waan idinka tagay ee qof bedelkey idiin shaqeeyo keensada” dadkii martida ku ahaa barnaamijka iyo shaqaalaha kaleba wey wada naxeen lamana oga inuu ka wado barnaamijka dhan ayaa toos oga baxay iyo inee tahay kaftan kamid ah xalqadaas si hadal heyn udhalato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here