Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan haatan magaalada Dubai wuxuu ku duubayaa filimkiisa weyn Pathan ee kusoo rogaal celinaayo madaama dabyaaqadii 2018 ugu dambeesay filim uu la imaado markaasna filimka Zero ayaa ka guul dareestay. Patahan SRK waxaa ku wehliyaan Deepika Padukone halka John Abraham uu laadar awood badan ka yahay.

Pathan waa filim arimaha fariinta sirdoonka ka hadlaayo waxaana Director ka ah Sidharth Anand oo sameeyay filimkii War ee Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff Blockbuster ka dhigeen haatana wuxuu ku kalsoon yahay filim sameeyahan SRK mashruuca uu kusoo rogaal celinaayo inuu guul lixaad leh gaari doono marka masraxa la saaro dabyaaqada sanadkan ama horaanta sanadka dambe.

Waxaa la isla dhex maraayay dhawaanahan in Megastar Salman Khan filimka Pathan muuqaal muhiim ah ku yeelan doono asigoo taxanaha Tiger looga bartay kaga soo muuqan doono haatana Sallu arinkaas ayuu xaqiijiyay xili uu ka qayb galaayay barnaamijka Big Boss 14 ee uu isaga dhex dhexaadiya ka yahay ayuu ku sheegay inuu saaxiibkiis SRK kala soo muuqanayo filimkan Pathan iyo doorkiisa Tiger madaama SRK filimkiisa arimaha sirdoonka ka hadlaayo doorka Sallu ee Tiger isagana waa mid sirdoonka la xariiro sidaas ayuu kaga soo muuqan doonaa.

Sallu wuxuu hadalkiisa ku sheegay in dhawaan uu Pathan duubi doono muuqaalada uu ku leeyahay kadib bisha Maarso bilaabi doono duubista Tiger 3 wuxuuna kusii xijin doonaa filimkiisa kale Kabhi Eid Kabhi Diwali waxay ka dhigan tahay sanadka dambe 2022 Salman Bhai wuxuu la imaan doonaa sedex filim waa weyn labouu hogaamiye ka yahay iyo mid uu muuqaal marti muhiim ah ku leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here