Megastar Salman Khan ayaa ugu dambeyntii Youtuber noqday wuxuuna sameestay bar Youtube lagu magacaabo Salman Khan wuxuuna ugu tala galay muuqaaladiisa qaarka ah inuu kusoo gudbiyo iyo heeso uu isaga qaadayo.

Salman Khan ayaa kanaalkan Youtube-ka ah sameestay xili haatan Hindiya bandow ka jiro sidoo kalena qof walbo gurigiisa joogo wuxuuna rabaa fariimo wacyi galin iyo kuwo mada daaliyo inuu bartiisa gaarka ah kusoo gudbiyo.

Salman Bhai ayaa dhigay muuqaalkiisa kowaad uu Youtube-kiisa soo galiyay hees dhiiri galin oo uu kaga hadlaayo Coronavirus dhibaato uu dunida ku haayo, sida Hindiya saameyn ugu yeeshay iyo in shacabkiisa u diyaarsan yihiin ka guuleesiga cudurkan dunida ka yaabsaday.

Heeska Sallu ku luqeeyay waxaa lagu magacaabaa Pyaar Karona waxaana muusiga sameeyay Sajid Wajid waxaana laga helay qaabka qiirada badan ee Salman heeskan u qaaday iyo raabka uu tirinaayo oo isaga dadka soo jiitay.

Fadlan hoos ka daawo heeska Pyaar Karona ee Salman Khan ku luqeenayo sidoo kalena waa muuqaalkii ugu horeeyay ee Salman Youtube-kiisa gaarka ah lasoo galiyay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here