Megastar Salman Khan ayaa si rasmi ah ugu soo biiri doono Youtube-ka waxuuna noqon doonaa Youtuber isagoo taageerayaashiisa halkaas kula wadaagi doono muuqaalo xiiso leh oo wacyi galin iyo madadaalo isugu jiraan sida la sheegay.

Khan ayaa go’aansaday inuu sameysto kanaal gaar ah oo isaga magaciisa lagu sameynaayo halkaas ayuuna lacag ka abuuri doonaa faaidada labaad ayaana ah in taageerayaashiisa hada kadib marwalba muuqaalka Sallu halkaas kaga bogan doonaan iyo noloshiisa gaarka ah oo Update ah.

Hader baraha bulshada ayuu taageerayaashiisa muuqaalo shactiro ah iyo kuwa wacyi galin ahba kula wadaaga muuqaalkiisa u dambeyay ee uu iska soo duubay waxuu ahaa mid uu ku wacyi galinaayo bulshada si ay isaga ilaaliyaan caabuqa Coronavirus.

Dhanka shaqada Sallu hader wax howl ah mahaayo India oodhan ayaana karantiil kujirto waxuuna xidigaan u guuray aseendadiisa gaarka ah beerta kutaalo halkaas ayuuna qoyskiisa kala socdaa taageerayaashiisana muuqaalo oga soo duubaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here