Megastar Salman 10-kii sano aan kasoo gudubnay (2010-19) wuxuu ahaa atooraha kowaad ee Bollywood-ka ugu awooda badan aflaantiisana macaash xad dhaaf ah ayay ka heli jireen qolyaha cajaladaha qeybiyaan, kuwa tiyaatarada iska leh iyo filim soo saarayaasha balse labadii sano ugu dambeesay Superstar-kan culees xoogan ayaa soo koray eedana isaga ayaa qaadanayo.

Salman Khan sedexdiisa filim ugu dambeeyeen Race 3, Bharat iyo Dabangg 3 heerkii laga filaayay wey gaari waayeen ayagoo ganacsi ahaan gaabiyeen sidoo kalena sheeko ahaan in badan lama soo dhaweynin, waxayna noqotay dhaliisha ugu weyn in filimadiisa waqti dheer soconayaan waxayna waqti ahaan sedexdan filim u dhaxeeyeen inay soconayaan 2-saac iyo 35-daqiiqo ilaa 2-saac iyo 45-daqiiqo.

Balse haatan waxaa la ogaaday in Salman Khan qaladkaas uusan dib usoo celin doonin wuxuuna noqon doonaa filimkiisa xiga Radhe midka ugu waqti yar ee uu mudo dheer kadib sameeyo asigoo waqti ahaan socon doono 2-saac iyo 10-daqiiqo waxaana xusid mudan filimkiisii ugu dambeeyay ee isla waqtigaan soconaayo inuu ahaa Dabangg 2 waxay ka dhigan tahay 8-sano kadib in Sallu filim waqtigiisa kooban yahay la imaan doono.

Qolyaha tiyaatarada Multiplex-ka iska leha ayaa soo dhaweeyeen waqtiga Radhe inuu 2-saac & 10-daqiiqo noqon doono waxayna u tahay fursad qaali ah oo ay ku badan karaan Shows-ka ama tirada lagu cel celin kaaro daawashada mashruucan marka masraxa lasoo saaro Ciidul fitrigaan ama 22-ka May 2020.

Sidoo kale Salman Khan filimkiisii Dabangg 3 waxaa lagu dhaliilay inay heeso badan ku jireen balse markaan Radhe sedex hees ka badan kuma jiri doonaan taasi oo ka dhigan in Sallu mashruucan aad uga taxadiraayo sidoo kalena uu doonayo inuu dib ugu soo laabto sameynta aflaanta Blockbuster-ka ah ee looga bartay madaama mudo 3-sano ah filim Blockbuster noqday uusan sameynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here