Megastar Salman Khan ayaa xalay xili dambe baraha bulshada soo dhigay geeri qoyskiisa kusoo korortay xili haatan Hindiya ku jirto 21-maalmood oo bandow ah ama guryaha laga soo baxeyn wuxuuna Khan shaaca ka qaaday wiilka uu adeerka u yahay Abdullah Khan inuu geeriyooday.

Abdullah Khan waxaa dhalay ama aabo u ah nin Salman Khan ilmo adeero yihiin wuxuuna ahaa shaqsi Salman aad ugu dhow oo dhanka jirdhiska aan lagu gaarin weliba Sallu bararaha bulshada wuxuu soo dhigay sawir isaga iyo Abdullah Khan ah wuxuuna soo raacsiiyay qoraalkan “Marwalbo waan ku jeclaan doonaa.”

Abdullah Khan wuxuu geeriyooday asigoo 38-jir ah kadib markii xanuun dhanka sambabada kaga dhacay sidoo kalena wadnaha la sheegay in laga qabtay xili uu isbitaal Mumbai ku yaalo ku jiray waxayna Salman iyo qoyskiisa beeniyeen inuu Coronavirus u geeriyooday madaama mudo labo maalmood kaliya uu xanuunsanaa.

Abdullah Khan ma ahan shaqsi Bollywood-ka ka tirsan balse wuxuu ahaa shaqsi dhanka gym-ka iyo jirdhiska looga haray oo Salman garab siin jiray marwalbo oo uu filimada isku diyaarinayo wuxuuna caan ku noqday sanadkii hore Sallu markii uu baraha bulshada soo dhigay asigoo garabkiisa ku qaadayo Abdullah Khan oo miisaankiisa yahay 112-kiilo xili uu Salman duubis ku waday filimkiisa Dabangg 3.

Inta badan jilaayaasha Bollywood-ka iyo shaqsiyaad kale oo aqoon u leh Salman Khan ayaa kaga tacsiyiyeen geerida ku timid wiilka uu adeerka u yahay oo ahaa qof aad ugu dhow waqti badana wada qaadan jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here