Home » Nolosha Jilaayaasha » Salman Khan” Race 3 Waa Film Madadaalo Dhameestiran Leh Daawashadiisana Dadka Ku Raaxeysan Doonan”

Salman Khan” Race 3 Waa Film Madadaalo Dhameestiran Leh Daawashadiisana Dadka Ku Raaxeysan Doonan”

Bollywood Mega Star Salman Khan ayaa saxaafada wareysi siiyay maalinti shalay ahed xili uu soo bandhigayey goos gooska filmkaan xiisaha badan ee sida weyn loo wada sugaayo.

Khan ayaa shalay ka hadlay arimo badan waxaana wax laga weydiyay inuu xoga sharaxaad yar ka bixiyo mashruucisa Race 3 ee jilayaasha badan la isugu keenay.

Waxuu yiri isagoo hadlaayo,”Race 3 waa film madadaalo dhameestiran leh oo isugu jiro heeso wacan Music wacan dagaal heer sare ah hadalo kusoo jiitaan iyo xarkaad indhaha ku raaxesan doonan.”

“2 sano kahor ayaa la ii so bandhigay sheekada filmkaan inkastoo mashruucan inuu dagaal yahay aan ogaa hadana sheekada ayaan wax in laga bedelo ka codsaday mudane Ramesh iyo Shiraz Ahmed (qoraaga filmka) waana la bedelay sheekada in yar kadibna wana sameynay waliba aniga waxuu iila muuqda mashruuc madadaalo heer sare ah leh.”

“Race 3 waxaad ku arki doontan bandhigyaadii mudane Bachchan iyo mudane Dharmendra oo kale ay aflaamta ku bandhigi jireen wax u ek.”