Labada Superstar ee fanka Hindiya maqaamka sare ka gaareen Salman Khan iyo Sanjay Dutt waxay isla sameeyeen filimo fariin ahaan kala duwan aadna looga helay bandhigooda balse marwalbo Bhai iyo Baba waxaa lagu xasuusan doonaa saaxiibtinimada qotoda dheer ee in mudo ah ka dhaxeesay siweyna warbaahinta marar kala duwan kaga hadashay.

Sida la wada og yahay Sanjay Dutt iyo Salman Khan waxay isla sameeyeen labo filim oo ay doorar dhameestiran ku leeyihiin sidoo kalena aflaan kala duwana muuqaalo marti ah ayay ku yeesheen balse muhiimada waxay tahay inaan diirada saarno filimada ay door dhameestiran ku wada leeyihiin:

1. Saajan (1991) – wuxuu soo xareeyay 9.50 Crore waana filim Blockbuster weyn ah.

2. Chal Mere Bhai (2000) – wuxuu soo xareeyay 11.65 Crore waana filim guul dareestay oo Flop ah.

Sida sare ka muuqato Salman iyo Sanjay labada filim ay wada sameeyeen midna wuxuu gaaray guul lixaad leh waa Saajan sidoo kalena filim Classic ah halka midka kalena Chal Mere Bhai ganacsi ahaan guul dareestay inkastoo bandhigoodii shaashada siweyn looga wada helay.

Dhinaca kale aqristayaasha qiimaha badan Sanjay Dutt iyo Salman Khan sidoo kalena waxay wada sameeyeen filimkii weynaa ee Action-ka ahaa Dus oo kaasi oo duubis ahaan la dhameestiray sidoo kalena sanadii 1997 la daawan lahaa balse wuxuu noqday mashruuc meel la iska dhigay oo aan waligiis tiyaatarka la saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here