Home » Nolosha Jilaayaasha » Salman Khan si rasmi ah muu u hantiyo Katrina marba hadii baraf dushiisa uu ku dul muujiyay jaceylkiisa

Salman Khan si rasmi ah muu u hantiyo Katrina marba hadii baraf dushiisa uu ku dul muujiyay jaceylkiisa

Mega Star Salman Khan iyo Katrina Kaif si aan caadi ahayn ayay isugu soo dhawaanayaan tan iyo markii bilaabeen duubista filimka Tiger Zinda Hai oo haatan diyaarsan lana daawan doono 22-ka bishan December 2017.

Waxaa lasoo bandhigay Salman xirfadii lagu yaqiinay sawir gacan ku sameeska ah asigoo fariin jaceyl ku gudbinaayo taasi oo siweyn hada loo hadal haayo.

Page-ka gaarka ah ee filimka Tiger Zinda Hai ku leeyahay barta Twitter-ka ayaa lagu soo bandhigay sawir gacan ku samees ah oo uu Salman Khan sawiray waana Katrina Kaif sawirkeeda oo barafka dusihiisa Salman si qurux badan ugu xardhay.

Qoraal ahaan sawirkaan waxaa lasoo raacsiiyay “Tiger oo qabowga u adkeestay xili uu sawiraayay Zoya barafka dushiisa ku daawo inta dhiman berito marka heeska Dil Diyan Gallan lasoo bandhigo”

Heeska Dil Diyan Gallan  ee filimka TZH ku jirto siweyna loo wada sugaayo maalinta berito ah ayaa lasoo bandhigi doonaa waana hees jecel oo Salman iyo Katrina gaar u ah.

Balse hada waxaa la leeyahay Salman Khan muu si rasmi ah Katrina Kaif u hantiyo madaama uu jaceylkiisa fariimo kala duwan kusoo bandhigaayo.

Wey fiicnaan laheyd lamaanihii hore inay dib ugu soo laabtaan……………..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *