Ma xusuusata Filimka shactirada Hit-ka noqday ee Judwaa waxaa hogaamiye ka ahaa Salman Khan oo labo door ku jilay halka Karisma Kapoor iyo Rambha atiriishooyin ka ahaayen waxaana la daawaday 7 Feb 1997 sido kale David Dhawan ayaa Director ka ahaa halka Sajid Nadiadwala uu qarash gareeyay.

Filimkaan dib u sameyntiisa (Judwaa 2) waxaa la daawaday 29 Sep 2017 waxaana hogaamiyey Varun Dhawan oo labo door kujilay halka ay atiriishooyin ka ahaayen Jacqueline Fernandez iyo Taapdee Pannu hadaba ma ogtahay in Judwaa (1997) markii hore uu sameeyn lahaa Superstar Govinda.

Haa, Govinda xiligaas wuu ka awood badnaa Megastar Salman Khan sido kale guusha ayuu u saaxiib ahaa waxuuna iskadaba sameynaayey aflaam Big Hits noqonayeen waana sababta uu Sallu u tuugay misane kaga codsaday Govinda Filimka Judwaa inuu isaga udhaafo wuuna u dhaafay.

Govinda oo wareysi bixiyay misane arinkaan ka sheekeyay ayaa yiri,”Judwaa markii hore anigaa sameeyn lahaa howshiisana waan bilaaway balse habeen xili dambe ah waxaa isoo wacay Salman Khan misane igu yiri ‘walal imisa Hit ayaa nagu dul sameeynee Judwaa aniga iidhaaf walaalkaa kaayar ayaa ka codsaday sido kale David Dhawan (Director-ka) igusoo wareeji aniga ayaa u baahan Judwaa iyo Director-ka waadna awooda midaas walal’ kadib waxaan dhahay Judwaa adiga leh ee iskusoo diyaari howshiisa.”

“Subaxii ayaan usheegay David Dhawan inaan Judwaa isaga baxay sido kalena uu soo dhaweeyo Salman Khan waxaana usheegay Sallu dartiisa inaan howsha ujoojiyay ugu dambeyna Salman ayaa sameeyay aniga reer Khans xiriir weyn ayaan la leeyahay xiriirkaasna shaqada Filimada kuma eka ee nolosha dhabta ah xushmad iyo is xiriirin weyn ayaa naga dhaxeysa.”

Govinda iyo Salman waxaa lagu tiriyaa kuwa kamid ah saaxiibada ugu wanaagsan Bollywoodka nolosha dhabta ahna wey is caawin jireen xiliyadii dambena Govinda ayaa la caawiyay wada shaqeyna wey dhexmartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here