Megastar Salman Khan waa kan ugu awooda badan Bollywood-ka sidoo kalena waa Superstar-ka ugu shacbiyada balaaran marka tiyaatar filim la saarayo sidaa darteen Khan-kan wuxuu iska diiday in filimkiisa Radhe ku iibsado 200 Crore ($26m) si Online ahaa mashruucan loogu daawado.

Salman Khan iyo kooxdiisa filimka Radhe waxay si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in mashruucooda kaliya tiyaatarada laga daawan doono waxayna beeniyeen sheeko la isla dhex maraayay dhawaanahan oo ku aadan in Radhe Internet-ka laga daawan doono madaama uu ka raagay waqtigii la daawan lahaa oo markii hore ahayd Eid 2020 kuna beegneyd dabyaaqadii bishii May balse saameynta karoonaha ayaa keentay in filimkan daawashadiisa dib u dhac ku imaado.

Filimka Radhe waxay kooxda iska leh haatan si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in mashruucan tiyaatarada oo kaliya la saari doono waxaana la daawan doonaa Eid 2021 Ciidul Fidriga sanadka dambe sheekadana waxay soo idleesay xantii ku aadaneyd in Salman Khan OTT aadi doono oo filimkiisa Online ahaan loo daawan doono.

Radhe Salman wuxuu ku jilaa askari mayal adag oo xarakeen doono waxaana kula jiraan Disha Pathani, Randeep Hooda, Jackie Shroff iyo kuwo kale waxaana Director ka ah Prabhudeva halka Salman Khan iyo seedigiis Atul Kulkarni filimkan isla maal galinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here