Bollywood Mega Star Salman Khan waxuu dhameestay 10 sano xiriir ah oo uu fanka hindiya hogaanka u hayey waana atoore aan la xaqiri karin awoodiisa xad dhaafka ahed 10kii sano u dambeysay qof walbana wuu dareemi karay saameeynta Sallu.

Dhowaan ayuu jirsaday 54 sano labadii sano u dambeysay xaalkiisa Box-office-ka waa liitay oo sedex filim ayuu la yimid midna Hit uma noqon waana caqabad iyo culeys soo koray xidigaan iyo filim tayo leh oo uusan la imaanin.

Hadaba iskooradiisa gaarka ah mid kamid ah aan dadka xusuusino waxaana macquul ah dadka qaar ineysan ka warqabin Salman waa atooraha kaliya ee sameeyay hal sano gudahed seddexda Filim lacagaha ugu badan soo xareyeen 30 sano u dambeysay.

Sanadkoo 1999 ayuu Salman taariikhdan dhigay kadib markuu la yimid sanadkaas seddexda Filim lacagaha ugu badnaayeen keeneen, Filimka Kowaad ee 1999 lacagaha ugu badan kasoo xareeyay gudaha India waxuu ahaa Hum Saathi Saathi Hain oo keenay 39.17 Crore markii sicirka maanta lagu jaangooyana u dhiganta 274.25 Crore darajada Filimkaana waa Blockbuster.

Filimka labaad ee sanadii 1999 lacagaha ugu badan gudaha India kasoo xareeyay waxuu ahaa Biwi No.1 oo keenay 25.58 Crore taaso maanta udhiganta 189.86 Crore darajadiisana waa Super Hit Filimka seddexaad ee 1999 lacagaha ugu badan soo xareeyay waxuu ahaa Hum Dil De Chuke Sanam oo keenah 24.76 Crore taaso udhiganta maanta 171.69 Crore darajadiisana waa Hit.

Hadaba seddexdaas Filim Salman dhinac ayuu ka hogaaminaayey waana seddexda Filim 1999 lacagaha ugu badan soo xareeyeen waana iskoor ugaar ah Sallu mana jiro atoore kale oo sidaa sameeyay 30 sano lasoo dhaafay balse beri samaadkii waxaa sameyeen Amitabh Bachchan, Dharmendra iyo Ragg kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here