Mega Star Salman Khan waa shaqsi maanta guusha usaaxiib sido kalena waqti wacan kujira balse xidigaan waqti xun ayaa soomaray waqtigaaso uu aad usoo xasuusta hadeer maadama uu ahaa shaqsi aad u xanaaq badan xili walba.
Sallu xanaaqiisa aad ayuu ufara badnaa dad badan oo ay isku fiicnayen xataa wey isku dhaceen isagoo la sheegay in marka uu xanaaqo inuu lasoo baxo dabeecado xun taaso sababta inuu aktarkan is-celin waayo oo xanaaqa ka weynaado hadda waxaa lasoo daabacay 4 shaqsi oo hadda ka hor salman khan uu dharbaaxay
Ranbir kapoor

Waaarin naadir ahed markii ay dhacday inuu dagaal dhexmaro xidigaha kala ah Salman Khan Iyo Ranbir Kapoor taasina waxaa ugu wacan in Katirna ay xiriir lasoo sameysay Ranbir Kapoor salman khan ayaa dharbaaxay ranbir kapoor xilli ay ku sugnaayeen goob xaflad ka dhacayssy waxaana la sheegay inee hadalo xun is dhaafsadeen markee kulmeen maadama xiligaas uu Ranbir saaxiib la ahaa katrina Waxaa lasheegay in Salman Khan xanaaqiisa uu qabtay xiligaas kadibna uu dharbaaxo aad u xanuun badan ku dhajiyay Ranbir Kapoor
shah rukh khan

waxaa dhacday inee ku kulmaan xaflada dhalasho ee Katrina Kaif halkaas ayee aflagaado xun isugu geysteen xidigahan xili dadka oodhan ay wada maqlayaan salman khan ayaa waxaa ka tan weynaatay xanaaqa isagoo dharbaaxo ku dhuftay shah rukh khan xitaa Katrina ka xumaatay maadama salman khan falkaas uu ku sameyey xafladayda
aishwarya rai

salman khan dabeecadihiisa waxa ay sababtay maanta inuu ku waayo Aishwarya Rai Bachchan maadama hab dhaqaniisa xiligaas ay in badan u dulqaadan weysay aishwarya rai iyadoo atariishadan dhawr jeer saxaafad ka hor sheegtay inuu salman khan iyada u gacan-qaadar marar badan oo kala duwan
satish kaushik

dhacdadan waxa ay dhacday inta ay labadooda ku guda jirayn duubista filimka tera naam waxaana labadooda soo dhex-galay taaso abuurtay dood waxaana ugu dambayn salman khan uu dharbaaxay satish laakiin markii dambe waxa uu ka bixiyay raali-gelin