Kudhowaad 20-sano kahor waxaa la daawaday Filimkki Chal Mere Bhai (5 May 2000) waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Salman Khan, Sanjay Dutt iyo Karisma Kapoor waana Filim jaceyl ah xiriirka walaaltinimana ka hadlaayo.

Filimkaan qofkii daawaday wuu xasuusan karaa oraahda ugu caansan ee marwalba Salman iyo Sanjah isdhahyaaan taaso ah,”Bollywoodka seddex Superstar ayee leeyihiin mid waa aniga, midna Amitabh Bachchan halka midka seddexaadna uu yahay Dilip Kumar.”

Markii Filimka la daawaday Salman ayaa la weydiiyay oraahdiisa filimkaas inee nolsoha dhabta ah sidaas aaminsan yahay waxuuna yiri,”marka aniga la iga reebo waan aaminsanahay Big B iyo Dilip Kumar inee Superstars yihiin shaki kuma jiro.”

Balse suaasha waa lagu celiyay oo waxaa la dhahay kaliya labadooda miyaa Superstars ah kadibna waxuu ku jawaabay,”magaca Superstar marka ladhaho waa qasab inee safka hore soo galaan Amitabh Bachchan, Dilip Kumar iyo Rajesh Khanna”

Sallu ayaa diiday inuu Khans-ka kale siiyo magacaas. Isaga ahaan wuu iska fogeeyay xiligaas inuu Superstar yahay xaqiiq ahaana wuu ahaa balse waxuu kaloo ka fogeeyay labada atoore ee uu sida weyn ula xifaaltamaayey ee kala ah Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here