Director Rohit Shetty ayaa labo arin oo muhiim ah saxaafada la wadaagay wuxuuna cadeeyay marka kowaad in Megastar Salman Khan muuqaal marti ah ku laheyn filimkiisa weyn Sooryavanshi ee Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay lana daawan doono 25 maarso 2020.

Waxaan wada ognahay in Ajay Devgn iyo Ranveer Singh filimka Sooryavanshi muuqaal marti ah ku leeyihiin waxayna filimkan kaga soo muuqan doonaan doorarkooda hirgaleen ee Singham iyo Simmba dhamaadka filimkaana Akshay Kumar ka garab dagaalami doonaan.

Director Rohit Shetty wuxuu yiri “Waxba kama jiraan wararka sheegayaan in Salman Khan oo askari ah iyo doorkiisa caanka ah Chulbul Pandey filimka Sooryavanshi kaga soo muuqan doono kaliya Akshay, Ajay iyo Ranveer ayaa iska garab dagaalami doonaan ayagoo xiran labiska booliska.”

Sidoo kale Rohit oo ka hadlaayay sameynta Singham 3 wuxuu yiri “Filimkeyga xiga ee fariinta booliska xambaarsan waa Singham 3 oo Ajay Devgn hogaamiye ka yahay haatan sheekadiisa waan diyaarinay balse waqtiga ku haboon ka hawl galistiisa xili kale ayaan shaaca ka qaadi doonaa.”

Ugu dambeyntii Rohit Shetty wuxuu sheegay filimka Satte Pe Satta dib u sameyntiisa ee uu maal galinaayo sidoo kalena Farah Khan Director ka tahay sheekadiisa qoraal ahaan gabo gabo ku dhow dahay kadibna dhawaan shaaca ka qaadi doonaan atooraha hogaamiye ka noqon doono mashruucan weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here