Tubelight waxaa la daawaday ciidul Fitrigii 2017 balse fashil taariikhi ah ayaa kudhacay oo waxuu noqday Below Average ama Filim guuleestay ganacsi ahaan xitaa sheeko ahaan dhaliil ayuu la kulmay oo waa la iska diiday.

Sheekada Filimkaan waxay ku xeen daabned xiriirka ka dhaxeya 2 wiil walaalo ah bals qiiro ayaa lagu badiyay waxaana Director ka ahaa Kabir Khan hadaba Salman Khan ayaa sheegay sababtii ka dambeysay mashruuciisa inuu guul dareesto iyadoo lawada ogaa haduu Ciidul Fitri Filim.la yimaado Blockbuster inuu noqdo inta badan.

“Tubelight waa guul dareestay sababto ah waxuu ahaa Filim xiliga la daawaday aan loogu talo galin, Xili ciid ayee ahed dadkana wey faraxsanaayen sidaa aawged waxay kaliya aqbali karaan filim qosol badan ama madadaalo dhameestiran leh sida dagaal xiiso leh.”

“Laakiin marnaba dadka ma jecla maalin ciid ah inee ooyaan waana sababta keentay Tubelight oo qiiro badan dadkii fagta hore daawadeen markee ayagoo ooynayaan tiyaatarada kasoo baxeen u digeen daawadayaasha kale in aysan waqti ku lumin Filimkaan oohinta badan.”

“Aniga go’aankeyga marnaba ma ahen in ciidul fitri Filim qiiro badan la iisaaro balse wey dhacday anoo raali ka ahen hada kadibse waan ka taxaddari doonnaa aniga iyo shirkadeyda Filimada soo saartaba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here