Mega Star Salman Khan ayaa Fadhiga ka kacay waxuuna dareemay culeys inuu soo korag awoodiisa fanka hindiyana halis sii gali karto waana xiligii uu jamaahiirtiisa niyada udhisi lahaa durbana waxuu ku dhawaaqay mashruuc weyn oo loogu magac daray Kabhi Eid Kabhi Diwali.

Sidan wada ognahay Salman Khan seddexdii Filim u dambeyeen uu sameeyay midna Hit dhameestiran ma noqonin waxayna kala yihiin Filimadaas Race 3 (Average), Bharat (Semi-Hit) iyo Dabangg 3 (Below Average ama Flop) hadaba Salman waxuu u baahan yahay Hit si uu culeyska isaga dajiyo.

Salman waxaa awood ahaan waqtigaan kusoo xigaan Ranbir Kapoor iyo Akshay Kumar balse labadoodaba dhibcaha Star Power-kiisa uma dhow si sahlana kuma soo qaban karaan kaliya waxay hogaanka kala wareegi karaan marka Sallu sanadaha soo socda joogteyo filim guuldaresteen iyagana ay joogteyaan Filimo Big Hits ah noqdaan markaas ayaa la dhihi karaa Salman booska waa laga saari karaa balse hader uma dhowa midaas ha ogaadaan taageerayaasha Sallu ee maalmahan dagaalka kujireen mida kale Salman sedddex Filim Hit u noqon waayaan laguma qaban karo abadan.

Hadaba maxuu kudhaqaaqay Salman oo talaabo ah ileen taageerayaashiisa wey ka niyad jabsanaayeene. Salman maalmo kahor ayuu kudhawaaqay Filimkiisa cusub ee loogu magac daray kabhi Eid Kabhi Diwali waxaana la daawan doonaa Eid 2021 waxaana mashruucan qarash gareeye ka ah Sajid Nadiadwala oo Salman horey ugu qarash gareeyay Filimka Kick ee Blockbusterka noqday waxaa kaloo xusid mudan in sanadkaan ama ciidul fitriga la imaan doono Salman Filimkiisa Action Drama ah ee Radhe waxayna isku dhici doonaan Akki Filimkiisa Horror Comedy ah ee Laxmmi Bomb.

Tani waxay ka dhigantahay in 2 sano Salman la imaan doono labo Filim waaweyn uuna saaran doono xiliga ciidul fitriga tani waxay jawaab u tahay Akshay Kumar taageerayaashiisa oo bilahan kacsanaayen una hanqal taagayeen in Salman booska lagala wareegi doono adiga xisaabtan hadii labadan Filim Big Blockbuster noqdaan maxaa isbedeli kara?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here