Dabangg 3 waa mid kamid ah Filimada sanadka ugu weyn waxaaba xili hore lagu tilmaamay Blockbuster-ka sanadka maadama laga helay goos gooska laga soo bandhigay mashruucan xiisaha leh bishii October.

Ma ogtahay Akhriste inuh jiro iskoor Dabangg 3 xili hore jabiyay oo u gaar ahaa Filimka Thugs of Hindostan ee Aamir Khan iyo Amitabh Bachchan hogaamiyaal ka ahaayen waliba Dabangg 3 oo December la daawan doono ayuu iskoorkan jabay.

Wax kale ma ahan cadadka ama tirada tiyaatarada laga daawan doono Dabangg 3 waa in ka badan kuwa Thugs of Hindostan laga daawaday sanadkii hore sidaan wada ognahayna TOH waxuu noqday Filim Bollywood kii tiyaatarada ugu badnaa abid laga daawado.

Dabangg 3 waxaa lagu daawan doonaa luuqadaha kala ah Hindi, Tamil, Telugu iyo Kannada sidaa aawged waxaa la filaa inuu noqdo Filim Bollywood kii ugu tiyaatarada badnaa abid sida wararka sheegayaan Filimkaan waxaa kaabo laadar ka ah atooraha Kichcha Sudeep kaaso koonfur India Superstar ka ah taageero fara badana kuleh si qaas ah reer Kannada ayaa jecel.

Sidaa aawged Dabanagg 3 waxaa la saari doonaa 5400 Tiyaatara waana iskoor weyn waxuu noqon doonaa Filim Hindi kii tiyaatarada ugu badnaa laga daawado abid sidaas waxaa meesha kaga baxay iskoorkii TOH ee 5000 tiyaatara sanadkii hore ku qabsaday meesha.

Superstar Sudeep awoodiisa xidignimo ayuu koonfur Filimkaan kaga iibin doonaa waana caawinaad kale oo Dabangg 3 helay waxayna u badan tahay inuu Blockbuster deg deg noqon doono waaba sababta Sudeep laadar looga dhigay Filimkaan si koonfur dhankeeda macaash weyn looga helo halka Bollywood Salman ku filan yahay iyo reer waqooyi oodhan halisku diyaariyo December gumaadka ka dhici doono Box-office-ka inaan indhaha ka daawano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here