Inaba caadi ma ahan goos gooska laga so bandhigay Filimka Dabangg 3 ee Mega Star Salman Khan hogaamiyaha ka yahay waa mashruuc isku dheeli tiran oo si heer sare ah loo sameeyaty.

Dagaal, xarago, oraah cajiib ah, shactiro intaba wuu isku darsaday durba qubarada Bollywoodka waxay isku waafaqeen in Dabangg 3 noqon doono Blockbuster-ka ugu weyn sanadkaan maadama goos gooskiisa heer sare yahay xili wanaagsana la daawanaayo.

Sallu waxuu filimkaan inooga sheekeyn doonaa marxaladihiu hore ee noloshiisa iyo sida uu ku noqday askariga mayeelka adag ee Chulbul Panday waana muhiimada ugu weyn ee loo daawan doono qeybtaan.

Sonakshi Sinha ayaa atiriisho ka ah sida caadada ahed waxaana qeybtaan Director ka ah Prabhudheva halka Salman Khan shirkadiisa maalgalisay waxaana la daawan doonaa 20 December 2019.

Inuu Blockbuster-ka sanadka iyo Filimka lacgaha ugu badan noqdo dhowr astaan ayaa jirto muujineysa kow xiliga la daawan doono oo ciida masiixi ah, Salman awoodiisa, taxanaha oo caan ah iyo goos gooska oo cajiib ah.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska Dabangg 3 laga soo bandhigay…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here