Bisha April ee nagu soo fool leh shirkada Hindiya ugu weyn ee aflaanta maal galiso Yash Raj Films ayaa u dabaal dagi doonto sanad guuradeeda 50-aad ee kasoo wareegatay marka ay bilaawday inay aflaanta maal galiso waxayna shirkadan qaban doontaa barnaamij si Online ah hawada kaga bixi doono madaama xaflad aysan dhigi kari xili Hindiya Coronavirus-ka la tacaaleyso.

Haddaba shabakada Bollywood Hungama ayaa heshay xog la isku haleen oo ku aadan in jilaayaasha Bollywood-ka ugu awooda badan sida Salman Khan, Shah Rukh Khan, Hrithik Roshan, Ranveer Singh, Deepika Padukone iyo Katrina Kaif shirkadan u duubeen fariin ama dhamaal hambalyo ah oo ay caalamka la wadaagi doonaan in YRF 50-sano jirtay Video-gan ayaana Internet-ka lagu soo fasixi doonaa.

Sidoo kale Aditya Chopra oo madax u ah shirkada YRF ayaa laga soo xigtay inuu jilaayaashaan waa weyn heshiis la gaaray aflaan kala duwan u sameeyaan si gaar ah Salman Khan wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filimka Tigr 3 bisha Febraayo ee sanadka dambe halka SRK filim Action ah oo Director Sidharth Anand agaasimayo shirkadan u sameyn doono.

Hrithik Roshan waxaa lagu wadaa labo filim inuu YRF u sameeyo middi waa filimka War 2 midka kalena bisha April ayaa xogtiisa la logaan doonaa. Ranveer Singh isagana waxaa la isla dhex maraa in Dhoom 4 hogaamiyaashiisa ka mid noqon doono inkastoo aan la hubin halka Deepika filim weyn iyadana shirkadan u sameyn doono sidoo kalena Katrina waxay shirkadan u sameyn doontaa filimka Tiger 3.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here