Waxaan horey idin kula wadaagnay in Megastar Salman Khan sameyn doono filimka weyn Kabhi Eid Kabhi Diwali lana daawan doono Eid 2020 waxaana filimkan soo saare ka ah Sajid Nadiadwala halka Farhad Samji uu Director ka yahay waxaana lagu wadaa in Pooja Hedge atirisho kowaad ka noqoto.

Haatan Salman Khan wuxuu bilaabay isku diyaarinta filimka Kabhi Eid Kabhi Diwali duubistiisa madaama nolosha Hindiya caadi kusoo laabaneyso wuxuuna Sallu sheegay in filimkan fariin nabadeed xambaarsan yahay sidoo kalena lagu soo bandhigaayo dadka Muslimiinta, Hinduuga iyo Kiristaanka Hindiya ku nool inay is walaashadaan oo ay colaada iyo naceybka ku badashaan jaceyl iyo nabad ku wada noolaansho.

Salman wuxuu sheegay in aamihiis Muslim yahay, hooyadiis Hindu tahay eedadiis aabihiis u dhaxdo ee lagu magacaabo Helen Kiristaan tahay haddane sidaas oo tahay nabad ku wada nool yihiin qoyskiisa balaaran oo xitaa walaalihiis guursadeen ragg iyo dumar kala diimo yihiin. Sidaa darteed filimkiisa Kabhi Eid Kabhi Diwali wuxuu noqon doonaa mid jacey iyo nabad ka hadlaayo lana dagaalayo colaada iyo naceybka la dhex dhigo dadka kala diimaha ah ee gudaha Hindiya ku nool.

Dhinaca kale Salman Khan waxaa laga soo xigtay weli inuusan go’aansanin waqtiga la daawan doono filimkiisa Radhe oo duubis ahaan inta badan diyaarsan lana daawan lahaa Ciidul Fitrigii aan kasoo gudubnay wuxuuna sheegay in marka ay xaalada caadi kusoo laabato sidoo kalena labo hees u harsan mashruucan la duubo kadib uu shaaca ka qaadi doono waqtiga rasmiga ah ee la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here