Mega Star Salman Khan waxuu Bollywoodka kudhex jiraa mudo 30 sano ah filimkiisa ugu horeeyay ee u atoore kowaad ka noqday waxuu ahaa Maine Pyar Kiya waxaana laga joogaa 30 sano jilaagan ayaana marna hoos udhac la kulmaayey marna sare ukac xad dhaaf ah.

Khan waxuu dhowaan shaaca ka qaaday arin dad badan ka qarsooned xili uu ka qeyb galaayey barnaamij TV-yada ka baxa ayuu arinkaana sheegay waxuuna sheegay in markii ugu horeysay ee uu shaashad hor imaado ay ka dambeysay gabar.

Sheekada isaga aan u deyno waxuu yiri,”waxaan ku dhex jiray meel waasko ama barkad ah oo aan ku dabaalanaayey waxaa meesha soo martay gabar qurux badan oo Saari ku labisan markaan arkay ayaan isku dayey inaan shukaansado si ay ii soo fiiriso dhankeyga aawged waxaan u dabaashtay si nacasnimo ah.”

“Si xowli ah ayaan u dabaashtay waana siduu nin walba u dabaalan lahaa marka uu gabar istusaayo kadib biyaha dhanka kale ayaan kasoo baxay balse nasiib xumo gabadhii waan waayey weyba baxday maalintii xigtay ayaa la isoo wacay oo la igu yiri xayeysiin ayaad inoo sameyneysaa.”

“Xayeysiintaas waxaa duubayey mudane Kailash Surendranath aniga iyo eedadey ayaana la kulanay isaga waana wada heshiinay si aan xayeysiintaas u duubo balse waxaan weydiiyay qofka telefan lambarkeyga siiyay iyaga arinta cajiibka ah ayaase ah inuu iisheegay in gabadhii ay siisay.”

“Waxuu igu yiri gabadha aad darted sida xowliga biyaha ugu dabaalatay ayaa lambarkaada isiisay waana saaxiibtey gabadhaas waxay iisheegtay inaa sifiican dabaasha u taqaano waana sababta aan xayeysiintan kuula saxiixday waayo waxaan rabnaa qof dabaasha sifiican u yaqaano.”

“Waxay u baahnaayen qof dabaasha sifiican u yaqaano aniga iyo Jackia Shroff xaaskiisa Ayesha Shroff ayaana nasiib u yeelanay inaan duubno xayeysiintaas oo labadeena ayaa laga helay habkaa u dabaalanay biya dhexdiisa waana markii ugu horeysay oo aan shaashad soo hor istaago gabar ayaana u sabab ahed.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here