Qof walba oo Bollywooda katirsan iyo Tv-yada musalsalada sameeyaba aad ayuu oga naxay geerida kutimid jilaaga caanka ah Kushal Punjabi maadama ay ahed mid laga filaneynin falka uu ku kacay ee ah inuu is dilo.

Xidigaan kaliya Tv-yada caan kama ahen ee sido kale Bollywoodka aflaam badan ayuu kasoo muuqday oo qaarkood hirgaleen guulo waaweyna gaareen waxuuna lasoo shaqeyay shaqsiyaad maqaam sare ka gaareen Bollywoodka.

Akshay Kumar oo uu la sameeyay filmkii Andaas sanadkii 2003 waxuu yiri isagoo ka hadlaayo geerida xidigaan,”Kushaal wan la shaqeyay sida aan ka aqaanay waxuu ahaa qof wanaagsan oo kaftan badan waan ka naxay geerida kutimid marnaba ma ahen inuu falkaas kukaco.”

“Waan ogahay ine sahlantahay inaan hadalkaas dhaho balse waxaa xaqiiq ah intii qof isdili lahaa dhibkastoo ku kalifayo haba jiree inuu nolosha la dagaalamo oo uusan naftiisa qaaliga ah is dhaafinin midaasna waa fikirkeyga waayo nafta waa qaali si fududna in la isku dhaafiyo ma haboona.”

Kushal Punjabi suicide: Akshay Kumar talks about depression while John Abraham and Farhan Akhtar express condolences

“Waxaan jeclaan lahaa hadii waqtiga ii samaxo inaan fariin ka sameeyo arinkaan ee ah in dadka sida fudud isku dilaan oo aan filim ahaan ka sameeyo amigo mowduucaas kasoo horjeeda si bulshada u dareen siiyo nolosha macaanteeda iyo sida dhib walba loola dagaalami karo waana mowduuc waqtigaan xasaasi ah dunidana kusoo badanayaan dadka isdilaan.”

John Abraham ayaa sido kale ka hadlay geerida Kushaal waxuu yiri,”waan ka naxay runtii RIP Kushaal! Waxaan u tacsiyenayaa ehelkii uu ka tagay” Kushal iyo John waxay isla sameyeen filimkii Dhan Dhana Dhan Goal.

View image on Twitter

Farhan Akhtar ayaa sido kale ka hadlay kaaso ay kaso wada shaqeyeen filmkii Lakshya waxuuna yiri,”waan ka naxay geerida Kushaal waxaana durba soo xusuustay filimki Lakshya aan isla sameyneysa waxuu ahaa had iyo jeer mid dadka filmkaas u shactireya laad ayuu gadaal dadka kaga dhufan jiray marwalba waan u tacsiyenayaa walaalkey ehelku ka tagay.”

Waxaa la sheegay Kushal saacado kahor inta uusan geeriyoon inuu Instagram-ka soo dhigay sawir isaga iyo wiilkiisa yar ah waxaana layaab dadka ku ah sababta ku kaliftay inuu is dilo Kushal oo nafta is dhaafiyo xili qoys qurux badan iyo shaqo heer sare ah uu gacanta ku heestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here