Dhowaan muuqaal ayaa internetka lagu faafiyay kaaso ah haweeyney nolol hoose ku nool misane ka xamaalata boosteejooyinka tareenada laga raaco taaso ku heeseysa heeska “Ek Pyar Ka Nagma.”

Dad ayaa kasoo duubeen iyadoo heeseysa kadibna hawada ayaa lagu fasaxay malaayin dad ah oo reer Hindi ah ayuu gaaray muuqaalkaas dadka badankooda codka haweeyneydan wey ka heleen.

Kadibna waxaa u yeeray music yaqaanka caanka ah ee Himesh Reshammiya kaaso codkeeda ka helay shaqo ayuuna siiyay waxuu u dhiibay hees oo uu ku luuqee yiri taaso lagu soo dari doono Himesh filimkiisa xiga.

Xanta intaa kuma ekaan waxaa kaloo la sheegay in Salman shaqo ka siiyay Filimkiisa Dabangg 3 si ay oga heesto balse Ranu Mondal waxyaabahaas oodhan wax kama jiraan ayee ku tilmaamtay.

Salman dhankiisa waxuu sheegay in waxba kajirin warka sheegaya inuu guri weyn siiyay haweeyneydan waxuuna yiri isagoo saxaafada la hadlaayo maanta xili uu ka hadlaayey barnaamijkiisa Big Bos 13.

“Horta waa tuma Ranu Mondal aan idinla kaftame? Mida xigta aniga qofna guri ma siinin mana u iibinin waa wax kama jiraan sheekadaas hadii ay sax ahaa laheed aniga ayaa marka hore la iga maqli lahaa.”

Sallu wuu iska fogeeyay arinkaan waxaa kaloo meesha kacad in hees aan laga siinin filimka Dabangg 3 oo dhankeeda ayeeba ka beenisay arinkaan haweyneydan balse aan sugno hadii Salman caawin dha ah u fidin doono Ranu Mondal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here