Mega Star Salman Khan ayaa hada kahor barnaamijka Koffe With Kara arin lala yaabay shaaca kaga qaaday qiyaastiina 2 sano kahor ayee ahed mar uu hor fadhiyay Karan Johar waxuu sheegay inuusan waligiis galmo sameynin.

Fajaciso caadi ah ayee caalamka ka noqotay Salman Khan oo 50 sano dhaafay hadana wali bikro ah oo aan waligiis galmo sameynin dadka qaar wey aamini waayeen hadalkaas balse xidigaan oo sii sharaxaaya arinka waxuu yiri.

“Waa run inaan dumar badan xiriir la sameeyay balse waligey gabar uma galmoonin waxaan ahay bikro wali sido kale shahwadeyda waxaan u ilaaliya waa mustaqbalkeyga dambe iyo gabadhaa guursan doono.”

Sida guud Salman Khan shaashada xitaa kuma soo bandhigo muuqaal dareen ku dheehan sida shumiska bishimaha iyo muuqaalada dareenla qofka bedelaa waxuuna yiri isagoo sababta arinkaas ka hadlaayo.

“Waxaan jeclahay dadka inaan usoo bandhigo oo ku madadaaliyo filim Clear ah misane nadiif ah wax ceeb iyo wasaq midna laheen xitaa shirkadeyda ma maalgaliso filim muuqaal dareen kudheehan kujiraan dabci ahaan ayaan u necbahay sameeynta muuqaaladaas marwalbana waan iska diidaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here