Samuel Eto’o oo si xun u caayay dhakhaatiirta wadanka Faransiiska kuna tilmaamay ilmo sharmuuto dhashay iyo sababta keentay arinkaas.

0
1632

Laacibkii hore ee kooxaha Barcelona, Inter Milan iyo Chelsea ayaa si xun u caayay dhakhaatiirta wadanka France asigoona ku tilmaamay cunsuriyaal sharmuuto iska dhashay kadib markii dhakhaatiirta sida la sheegay arin aan wanaagsaneen sheegeen.

Dhakhaatiirta France ayaa ku baaqay in daawooyinka tijaabada kahor intaanan lasiinin cadaanka wadankaasi lagu tijaabiyo dadyowga madow ee asal afrikaanka ah arintaasoo dad badan siweyn uga xanaajisay waxaana kamid ah halyeyga wadanka Cameroon ee Samuel Eto’o.

Eto’o oo aad u careysayn ayaa dhakhaatiirtaas lahjad adag kula hadlay wuxuuna sheegay in aan loo dulqaadan karin falkaas cunsuri nimada ah dhakhaatiirta sidaas u hadashayna ay yihiin mo sharmuuto dhashay.

Hadalka Eto’o iyo dhakhaatiirta France ayaa kusoo aadaayo xili aduunka uu la daalaa dhacayo cudurka Corona ayadoo France ay kamid tahay wadamada ugu badan ee uu saameynta ku yeeshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here