Atiriishada Sana Khaan ayaa ku dhiiratay inee ka hadasho nolosheeda gaar ah saxaafada ayeena la wadaagtay wax walbo oo horey u qarsoonaayen xidigtaan ayaana sheegtay inuu nin qiyaanay.

Dance-yaqaanka Melvin Louls ayaa qiyaano jaceyl u geestay xidigtaan waa sida ay iyada sheegtee haderna nolol niyad jab ah ayee bartanka kaga jirtaa iyadoo ka hadleysa mugdiga nolosheeda soo maray sanadkii ugu dambeyay waxay tiri.

“Nolol niyad jab ah ayaa dhexda kaga jiraa mudo sanad ah waxaa qiyaano jaceyl ii geestay nin aan ku aaminay nafteyda jirkeyga iyo kalsoonideyda hader ayaana kasoo kabanayaa qalbi jabkii igu dhacay sababto ah waxaan ogaaday qiyaanadiisa.”

“Mudo 20-maalmood ah kaniiniga hurdada ayaa isticmaalaayey si aan hurdo isaga helo waayo hurdo waan iska waayey fikir iyo murugo aawged nasiib wanaag 2-maalmood u dambeysay kaniini la’aan ayaa hurdo helay.”

“Qoyskeeyga, asaxaabteyda iyo taageerayaasheyda garabkeyga ayee joogaan marwalbana waxay idhahaan ka gudub wey dhacdaa tano kale isna ilaawsii wixii dhaceen ana marwalba waxaan kudhahaa ma sahlana inaan ilaawi dhaawaca igaaray sababto ah qiyaanoolayaasha ayaa deg deg oga gudbaan waxay sameyeen laakiin aniga khaladkii ugu weynaa nolosheyda ayaa galay sideen dhaqsi ugu ilaawa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here