Atiriishada Sana Khan ee wax ka jisho Filimada Bollywoodka doorkeeda aan ku xasuusan doonana uu yahay Filimkii Jai Ho ayaa ka hadashay sida uu u qiyaanay saaxiibkeed Dance-yaqaanka ah ee Melvin Louis.

Waxay tiri iyadoi Hungana wareysi siineyso,”si dhab ah ayaan u ieclaaday wax walbana wey hagaagsanaayen balse markii aan xiriirka sameysanay mudo hal bilna laga joogo ayuu igu bilaaway inuu igu qasbo waxaan rabin tusaale waxuu idhahay xiriirkeena shaaca kaga qaad Instagram-ka oo dadka ha ogaadeen.”

“Aniga waxaan dhahay mudo bil ah lee xiriir leenahay sidee dadka ugu sheegaa waa run inaa kaa helay wax walbana hagaagsan yihiin laakiin deg deg ayaa u arkaa inaan hader dadka la wadaagno wax walbo balse wuu igu adkaayey inaan sawiradeena soo dhigo Instagram-ka dadkana usheego waana ka yeelay.”

“6-bilood u horeysay xiriirkeena muran iyo dagaal ayaa kujirnay waxuu ileeyahay haddii aan wareysi bixinaayo xiriirkeena ka hadal si dadka u rumeystaan sababto ah hadii ay qof kale kugu arkaan waxay u maleynayaan inaad qofkaas xiriir la leedahay dhib ayaa ku qabay mar walbo wareysi bixinaayo inaan xiriirkeena meesha kaga hadlo.”

“Arinka iigu daran ayaa ahed in uusan ii ogolaan jirin qof gaar ah inaan la kulmo hadiiba dad aan la kulmaayo sida waardiye wuu ila jiraa shaki socdo ayuu noqday, aniga waan jeclaaday ninkaan nafteyda, jirkeyga wax walba ayaa u huray laakiin wuu i qiyaanay noloshana wuu igu silciyay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here