Atirishada Sana Khan ayaa ciwaano saameyn leh gudaha Hindiya ka sameeneyso kadib markii baraha bulshada ay qabsatay xili ay la aqal galeyso ama uu guursaday wadaadka Muftiga ah ee lagu magacaabo Mufti Anas waxayna Sana horey u sheegtay inay filim jilista joojisay Bollywood-kana isaga baxday.

Sana Khan bilawgii bishiii October ayay ku dhawaaqday inay fanka isaga baxday sidoo kalena markaas waxay tiri “Walaalayaal magac, sumcad, caanimo iyo lacag fanka waan ka sameeyay balse intaas dunida bini aadamka Alle uma keenin, waxaan garwaaqsaday inaan wado qaldan ku socdo waana kasoo laabtay gabi ahaanba filim jilista waan joojiyay. Dhamaantiina waan idin jeclahay waxaan idinka codsan lahaa nolosheydii fanka iyo wax la xariiro inaadan igala hadlin hadda kadib madaama arimahaas Alle dartiis u joojiyay.

Mudo bil kadib Sana Khan maanta ciwaanada wey kusoo laabatay kadib markii lasoo bandhigay muuqaalo xaflada guurkeeda oo qoyskeeda kaliya kasoo qayb galeen waxaana guursaday Muftiga lagu magacaabo Anas wuxuuna arooskooda ka dhacay magaalada Surat ee ka tirsan gobolka Gujarat waxayna Sana sheegtay nolosheeda cusub aad inay ugu faraxsan tahay dadkana ay duco ka dalbaneyso sidoo kalena hadda kadib diirada saari doonto hormarinta gurigeeda ka war heynta eheladeeda filim jilis dambena kusoo laaban doonin.

Sana Khan waxaa lagu xasuusan doonaa doorkii ay ku laheed filimkii Jai Ho ee Salman Khan hogaamiye ka ahaa lana daawaday sanadii 2014 waxayna Bollywood-ka kusoo biirtay sanadii 2005 ayadoo kusoo caan baxday filimkii Yehi Hai High Society iyo filimo kale ayay kusoo muuqatay ku dhawaad 14-filim oo luqado kala duwan lagu daawaday ayay sameesay. Sana Khan sidoo kale sanadii 2012 waxay Final ama kama dambees soo gaartay barnaamijka Big Boss 6 ee Salman Khan xariiriye ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here