Maanta oo kale 14 November 2018 waxaa si rasmi ah isku guursadeen lamaanahana caanka ah Ranveer Singh iyo Deepika Padukone kuwaaso mudo 7 sano ah xiriir soo lahaa ugu dambeyna jacelkooda wey ka dhabeyeen lamaanahan.
Mudo sanad ah ayee nin iyo xaaskiisa wada ahaayen waxaana maanta loo dabaal dagayaa lamaanahan sanad guurada arooskooda waa kuwa nolosha dhabta ah iyo shaashadaba isku fahmeen.
Xiliyo kala duwan ayee dadka hortooda kusoo bandhigeen xiriirkooda kadib markee is guursadeen waxay dhigteen xaflado waaweyn bishii December maadama 2 todobaad ku mashquulsanaayen diyaarinta xafladahaas.
Xafladaha dabaal daga arooska DeepVeer iyo maalinta arooska Priyanka ayaa isku soo aaden oo 2 December ilaa 3 December waxaa India qeyb kamid ah looga dabaal dagaayey guurka DeepVeer halka qeyb kalana looga hadal hayey uunanka dhacaayeu arooska Priyanka Chopra.
Hadaba waxaan idiin heynaa sawiro u gaar ah lamaanaha DeepVeer oo xusuus u ah sanadkii hore kuwo laga qabtay waana sawiro laga keydiyay lamaanahan xiliyo kala duwana laga qabtay inta arooskooda socday.
Maalmihii cilaan saarka, maalmihii nikaaxa iyo maalmo kale ayee ka turjumayaan sawiradan hoos ka daawo Ranver Singh Iyo Deepika Padukone oo mudo sanad ah wada nool:











