Pakistan iyo India hal dal ayey isku ahaan jireen wixii ka horreeyey sannadkii 1947dii markaasoo ay kala qeybsameen. Sidaas darteed waxaa jira qoysas badan oo Pakistan iyo India kala dega kuwaasoo xiriir qoys ahaaneed ka dhexeeyo.

Xitaa waxaa jira xiddigo ka xamaasha Bollywood kuwaasoo xidid ku leh Pakistan, waxaana liiskaan ku jira shaqsiyaad magac leh – balse sababta ay kusoo galeen waan idinla wadaagi doonaa.

Guud ahaan waxaan halkaan kusoo qaadan doonaa 13 shaqsi oo Bollywood ka xamaasha kuwaasoo xiriir la leh dalka Pakistan ama Pakistan kasoo jeeda. Miyuuse liiskaan ku jiraa Shahrukh Khan? – Jawaabtu durba waa maya.

Sanjay Dutt

Sanjay Dutt waxaa aabe u ah Sunit Dutt kaasoo ku dhashay Khurd Village, Jhelum District, Punjab, Pakistan. Intaas kuma eka xiriirka uu Munna Bhai la leeyahay Pakistan, hooyadiis waa Nargis Dutt taasoo ah atariisho derejo halyeeynimo ka gaartay Bollywood.

Nargis Dutt magaceeda rasmiga ah waa Fatima Rashid waana atariisho u dhalatay Pakistan. Sidaas darteed Sanjay Dutt waad dhihi kartaa Pakistan ayuu kasoo jeedaa.

Amitabh Bachchan

Amitabh Bachchan hooyadiis waa Teji Bachchan waxayna ku dhalatay Lyallpur, Punjab, British India. Hadda goobtaas waxaa loo yaqaannaa Faisalabad, waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn Pakistan.

Rajesh Khanna

Qoyska Rajesh Khanna waxay kasoo jeedaan Burewala, Vehari District, Punjab, Pakistan. Laakiin muran ayaa ka taagan haddii uu Rajesh Khanna ku dhashay Amritsar ama Burewala. Dadka ugu badan ayaa aaminsan inuu ku dhashay Amritsar, laakiin wuxuu degan yahay Burewala.

Amrish Puri

Amrish Puri, oo ka mid ah laadaradii ugu fiicnaa taariikhda Bollywood ayaa wuxuu ku dhashay Lahore sannadkii 1932dii. Ninkaani waa Punjabi waxaana uu kasoo jeedaa qabiilka Lala Nihal Singh Puri. Laakiin Amrish Puri wuxuu u guuray Shimla si uu waxbarashada halkaas uga sii wato.

Prem Chopra

Prem Chopra, waa laadar kale oo caanka ah shaneemooyinka Bollywood, wuxuuna ku dhashay Lahore, waa Punjab noqday Punjabi Hindu sannadkii 1935tii.  Prem Chopra sidoo kale wuxuu kasoo qalin jebiyey jaamacadda Punjab University. Markii ay India iyo Pakistan kala qeybsameen waxay qoyskiisu usoo guureen Shimla.

Dilip Kumar

Muhammad Yusuf Khan, waxaa uu ku caan baxay magaca shaneemooyinka looga yaqaanno ee Dilip Kumar wuxuuna ku dhashay Peshawar, NWFP, British India, hadda goobtaas waxaa loo yaqaannaa Khyber Pakhtunkhwa waxayna ka tirsan tahay Pakistan.

Sannadkii 1922kii ayuu dhashay, qoyskiisu waxay ku hadlaan lahjadda Awan. Dilip Kumar xitaa gurigiisu wuxuu ku dhow yahay Qissa Khawani Bazar. Dabayaaqadii 1930meeyadii ayeyna qoyskiisu usoo guureen Mumbai, India.

Govinda

Arun Kumar Ahuja, ayaa ah aabaha dhalay Govinda, wuxuuna ku dhashay Gujranwala, Punjab, British India. Arun Kumar wuxuu ahaa jillaa caan ah.

Ka dib markii ay India iyo Pakistan kala go’een wuxuu usoo guuray Mumbai, halkaas ayuuna Govinda ku dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here