Sanjay Dutt waxaa dhawaan soo foodsaaray xaalad caafimaad Xumo waxaana la dhigay isbitaal ku yaal magaalada. Wararka ayaa sheegaya in jilaaga laga helay kansarka sanbabada. In kastoo Sanjay Dutt uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo isla, xaaskiisa Maanyata Dutt ayaa soo saartay bayaan, “Waxaan u mahadcelinayaa qof kasta oo muujiyay sida wanaagsan ee ay u doonayaan Sanju soo kabsashada degdega ah.

Waxaan u baahan nahay xoog iyo duco si aan uga gudubno wajigan. Wax badan ayaa jira oo qoysku soo maray sannadihii la soo dhaafay laakiin waan ku kalsoonahay, tani sidoo kale way dhammaan doontaa. ” Waxay ku boorrisay taageerayaasheeda inaysan ku dhicin wararka xanta ah, ayay hadalkeeda raacisay, “Waa codsi qalbigeyga ah in taageerayaasha Sanju inaysan ku dhicin wararka xanta ah iyo wararka aan loo baahneyn, laakiin inay nagu caawiyaan jacaylkooda, iyo taageeradooda.”

Sanju Ayaa lagasoo saarin war xaqiiq ah xaaladiisa caafimaad balse waxaa la ogyahy sida ila lagu kalsoonyahy ee sheegeyn kansarkiisa xaalada 4aad inuu gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here