Ugu dambeyntii Superstar Sanjay Dutt filimka uu waqtiga badan galiyay Torbaaz waxaa lagu dhawaaqay xiliga la daawan doono waxaana la xasuustaa in Baba mashruucan duubis ku bilaabay sedex sano ka hor laakiin uu noqday filim hana qaadi waayo masraxana lasoo saarin arimo u gaar ah kooxda filimkan ayaa sabab u ahayd in mudadaas aan la daawanin.

Filimka Torbaaz soo saaraha maal galiyay Rahul Mittra wuxuu si rasmi ah shaaca kaga qaaday in filimkan haatan shaqadiisa dhan walbo soo idlaatay lana daawan doono October 2020 ama dabyaaqada sanadkan waxaana daawashadiisa dib loogu dhibay in haatan dunida Coronavirus ka jiro xaalka uusan wanaagsaneyn.

Filimka Torbaaz Sanjay Dutt waxaa ku wehliyo Nargis Fakhri waxayna duubistiisa ka bilaabatay sanadii 2017 dalka Kyrgyzstan inkastoo fariintiisa ku saabsan tahay dalka Afghanistan iyo arimaha qaraxyada caruurta sida loo adeegsado haddana waxaa lagu duubay Kyrgyzstan madaama Afghanistan sahlaneyn in aflaanta lagu duubo.

Sanjay Dutt ma uusan ka hadlin in filimkiisa Torbaaz ee dhulka qaboobaha badan ku duubay dhib badana uu shaqadiisa ka maray inuu marar kala duwan baaqday balse haatan hubanti ahaan masoo dhaweyn doono bisha October in filimkan masraxa la saarayo waayo isla bishan 23-keeda waxaa Dutt u diyaarsan filimka weyn KGF Chapter 2 ee uu laadar ka yahay sidaa darteed labo filim hal bil gudaheeda in masraxa loo saaro Dutt masoo dhaweyn doono madaama ganacsigooda saameyn isku yeelan doono sidoo kalena uusan awoodi doonin inuu xayeysiin u wada sameeyo labadan filim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here