Filimka weyn KGF Chapter 2 ee shirkada Kannada iska leedahay waxaa laadar ka ah Superstar Sanjay Dutt halka Rocking Star Yash uu hogaamiye ka yahay mashruucana waxaa la daawan doonaa 23 October 2020 waxaana door adag ku leh Raveena Tandon waana mid ka mid ah aflaanta sida weyn Hindiya looga wada sugaayo iyo guud ahaan daafaha caalamka.

Arinka xiisaha badan ayaa ah Sanjay Dutt maalin walbo gurigiisa tababar adag ku sameeyo si jirkiisa muuqaal ahaan u diyaarsanaado madaama laadar awood badan ku matalaayo filimka KGF Chapter 2 waxaana harsan ama aan weli la duubin dagaalka dhamaadka filimkan Dutt iyo Yash gacanta iskula tagi doonaan oo aysan waxba isku reeban doonin.

Director Prashanth Neel ayaa ka yaabiyay sida Sanjay Dutt isku dhisay wuxuuna usoo diray sawiro sidoo kalena Yash ayuu Sanjay sawiro u diray sida uu jir ahaan u diyaarsan yahay wuxuuna kooxda filimkan u sheegay marka xaalada caadi kusoo laabato si toos ah duubista mashruucan u amba qaadi doono madaama uu dhararsan yahay inay shaashada isku qabtaan Yash si adagna u wada dagaalamaan.

Sanajay Dutt sidoo kale wuxuu sheegay inuu raashiin gaar ah qaato kuna dadaalo in miisaankiisa kordhin inkastoo xaaskiisa Manyata Dutt la joogin madaama Dubai ku xaniban tahay haddane Superstar-kan isaga ayaa raashiinka diyaarsado sidoo kalena tababar adag gurigiisa ku dhex sameeyo madaama Hindiya xaalad bandow ah weli ku jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here