Labada aadka loo jecel yahay inay shaashsda soo wada galaan Superstar Sanjay Dutt iyo shactiroole Arshad Warsi ayaa la xaqiijiyay inay mashruuc cusub ku midoobi doonaan balse ma ahan taxanaha Munna Bhai oo ay horey labo qeybood kaga sameeyeen sidoo kalena ilaa haatan la sugaayo qaybta sedexaad inay wada jilaan.

Director Rajkumar Hirani ayaa dhawaan sheegay in Munna Bhai 3 dib u dhac ku yimid sameyntiisa madaama uu ku qanci waayay isaga iyo kooxdiisa sheekada ay Sanju iyo Arshad u diyaariyeen sidaa darteed dib ayaa loo diyaarin doonaa sheeko kale oo taxanahan u gaar ah oo xiiso badan wuxuuna filim sameeye Hirani sheegay mashruuc kale inuu haatan sameyn doono Munna Bhai 3 meel la iska dhigay.

Sidaa darteed Sanjay Dutt iyo Arshad Warsi waxay wada saxiixdeen filim cusub oo shactiro iyo sheeko qiiro badan isku jirto ah waxaana Director ka ah labada aan kala harin Sajid-Farhad qorshana wuxuu yahay in filimkan xiisaha badan duubis lagu bilaabo April 2020 sida haatan lagu heshiiyay.

Sheekada xiisaha badan waxay tahay in Sanjay filimkan ku matali doono indhoole ama camoole tuug ah waxaana indho u ah Arshad Warsi dadkana ma fahansano inuu indhoole yahay madaama Arshad ka caawinaayo wax walbo inuu dhaco asigoon la fahmeyn camoolenimadiisa iyo dhacdooyin kale oo xiiso badan ayaa mashruucan lagu soo bandhigi doonaa.

Filimkan aan magaca loo bixinin waxaa lagu soo dari doonaa labo atirisho iyo hal atoore kale sidoo kalena waxaa la rabaa halmar duubistiisa in laga baxo mudo sedex bilood April ilaa June 2020 sidoo kalena qaybaha dambe 2020 la daawado waana arin xiiso badan in Sanju Baba iyo Arshad Warsi mudo kadib diyaar u noqon doonaan taageerayaashooda ka qosliyaan ugu dambeyntii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here