Sanjay Dutt iyo Suniel Shetty waa labo atoore oo Bollywood-ka iyo daafaha caalamka siweyn looga yaqaan waxayna ku caan baxeyn sameynta filimada Action-ka ah sidoo kalena waa saaxiibo dhow kuwaas oo shaqo wadaag noqdeen marar badan waxaana aad looga helaa inay shaashada kasoo wada muuqdaan.

Haddaba waxaan idiin heynaa labadan atoore ee awooda badan aflaanta ay isla sameeyeen mid walbo ganacsiga uu sameeyay iyo natiijada uu gaaray ayadoo wada shaqeyntooda soo bilaabatay bilawgii qarnigaan waxayna isla sameeyeen ku dhawaad 10-filim:

1. Anarth (2002) – wuxuu soo xareeyay 3 Crore waana FLOP.

2. Kaante (2002) – wuxuu soo xareeyay 20.45 Crore waana BELOW AVERAGE.

3. L.O.C Kargil (2003) – wuxuu soo xareeyay 17.64 Crore waana FLOP.

4. Rudraksh (2004) – wuxuu soo xareeyay 5.89 Crore waana DISASTER

5. Rakht (2004) – wuxuu soo xareeyay 5.34 Crore waana Disaster.

6. Dus (2005) – wuxuu soo xareeyay 23.29 Crore waana AVERAGE.

7. Shootout At Lokhandwala (2007) – wuxuu soo xareeyay 29.72 Crore waana SEMI HIT.

8. No Problem (2010) – wuxuu soo xareeyay 28.47 Crore waana FLOP.

F.G: Filimkii Dus Kahaniyaan (2007) muuqaal marti ah ayay ku lahaayeen wuxuuna soo xareeyay 7.78 Crore waana DISASTER. Sidoo kale filimkii Tango Charlie (2005) muuqaal marti ah ayay ku lahaayeen wuxuuna soo xareeyay 7.15 Crore isagana waa DISASTER.

Waxay ka dhigan tahay xogta sare in Dutt iyo Shetty 8-filim door dhameestiran ku leeyihiin wada sameeyeen waxaana kaliya u guuleesteen 2-filim halka 6-filim kale ka guul dareesteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here