Sanjay Dutt iyo Suniel Shetty oo ka qayb qaadanaya caawinta cunno-geeyayaasha Mumbai xilli dalkaas uu faro kulul ku hayo COVID-19

0
1023

Jilaayaasha kala ah Sanjay Dutt iyo Suniel Shetty, oo la mideysan Aslam Shaikh, wasiirka wasaaradda dharka, dekadaha iyo kalluumeysiga, iyo amniga ayaa u dhaqaaqay inay caawiyaan kooxda cunnada geysa guryaha iyo goobaha shaqada ee loo yaqaano Mumbai dabbawalas, kuwaasoo dharbaaxo kulul kala kulmay cudurka coronavirus.

Si laga soo xiganayo majaladda Mumbai Mirror, labadan jilaa iyo wasiirka ayaa cunno gaarsiiyay qoysaska saameynta ballaaran kala kulmay faafaha COVID-19.

“Waxay ahayd soo billaw ka yimid Aslam Bhai iyo Sanju, aniguna kama aanan labo-labeyn inaan kula biiro. Jaceylkana wuu sii qurux batay marka aan gacmaha is qabsannay,” ayuu yiri Suniel Shetty.

Suniel ayaa sidoo kale u sheegay Mumbai Mirror in gawaari nooca xamuulka ah oo sida cunnooyin ay u direen gobolka Pune, halka inta ugu badan shaqaalihii dadka cunnada u geyn jirayna ay guryahooda ku xareeyeen.

Waxay wararku intaas ku darayaan in 800 oo xirmo oo isugu jira Bariis, sokor, saliid iyo adeeg kale ay gaarsiiyeen Khed iyo Malval, halkaas oo ay ka howl gasho hay’adda aan dowliga ahayn ee Save The Children Inida.

Xiddigan ayaa sidoo kale caddeeyay inay qorsheynayaan inay adeeggooda gaarsiiyaan illaa shan kun oo qoys saddexda bilood ee soo aaddan.

Si kastaba ha ahaatee, Suniel Shetty iyo Sanjay Dutt ayaa ka mid noqday dadka bulshada awoodda ku dhex leh ee ka qayb qaadanaya caawinta dadka masaakiinta ah ee uu saameeyay cudurka dunida dhan ku faafay ee coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here