Superstar Sanjay Dutt dhawaanahan wuxuu sameenayaa aflaan waa weyn oo Bollywood iyo Koonfur Hindiya isugu jiraan waxaana wada ognahay inuu u diyaarsan yahay filimka weyn KGF Chapter 2 oo uu laadar ka yahay awood ahaana is qaban doonaan Rocking Star Yash.

Sidoo kale Sanjay Dutt wuxuu laadar ka yahay filimka weyn Shamshera ee Ranbir Kapoor hogaamiye ka yahay halka door awood badan uu ku matali doono filimka Prithvirah ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay wuxuuna ku matalaa Akshay adeerkiisa garab weyn siinayo.

Haatan Sanjay Dutt waxaa la sheegay mashruuc weyn oo Telugu ah inuu gacanta ku dhigay waana filimka 30-aad ee Jr. NTR hogaamiye ka yahay waxaana filimkan Director ka ah Trivikram oo sanadkan sameeyay filimkii Ala Vaikunthapurramuloo ee Stylish Star Allu Arjun hogaamiye ka ahaa.

Director Trivikram iyo NTR filimka ay ku midoobeen magac ahaan waxaa loo bixiyay Ayinanu Hastinaku Poyi Ravale waana filim arimaha siyaasada iyo qilaafaadka hogaanka Hindiya dhanka siyaasada ka hadlaayo waxaana la ogaaday in Sanjay Dutt ku matali doono siyaasi awood badan oo nafta u keeni doono NTR siweyna filimkan ugu xifaaltami doonaan.

NTR wuxuu ku faraxsan yahay la shaqeynta Sanju sidoo kalena filim sameeye Trivikram wuxuu sheegay in Dutt doorkiisa filimkan noqon doono mid saameyn weyn leh qorshahana wuxuu yahay in duubis lagu bilaabo marka xaalada caadi kusoo laabato bilaha June ama July waxaana la daawan doonaa xagaaga sanadka dambe.

Sanjay Dutt waxay u noqon doontaa taariikh ahaan markii labaad filim Telugu ah kasoo muuqan doono asigoo horey sanadii 1998 door muuqaal marti ah ku yeeshay filimkii Chandralekha ee Superstar Nagarjuna hogaamiye ka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here