Home » Nolosha Jilaayaasha » Sanjay Dutt Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Goos Gooska Filmka Sanju Ee Ranbir Kapoor!!

Sanjay Dutt Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Goos Gooska Filmka Sanju Ee Ranbir Kapoor!!

Gooska gooska Ranbir Kapoor filmkiisa Sanju ee looga hadlaayo nolosha Super Star Sanjay Dutt ayaa hadal heyn weyn abuuray sida uu Ranbir nolosha Dutt u keenay ayaa dadkii cajiib ku noqotay.

Maanta ayuuse muran dhexda ka galay mashruucan kadib markii qolada shahaadada filmka bixiyaan ay dhaliil xoogan usoo jeediyaan muuqaalka Ranbir xabsiga ku dhexjiro misane biyaha wasaqda lagu soo furaayo.

Sanjay Dutt ayaa maanta la falgalay wargeyska ETimes ayadoo la weydiyay waxa uu ka dhahaayo goos gooska Sanju iyo waanada iyo dhiira galinta uu u diraayo Ranbir Kapoor.

Waxuu yiri Sanjay,”Ranbir uma baahno in la waaniyo ama talo la siiyo waa atoore isku filan shaqada uu qabtayna waa mid cajiib ah waaana daawaday goos gooska sido kale shaqadiisa quruxda badan waxaan arkay intii uu duubista waday kaliya waxaan u rajeynayaa guul waca sido kale filmkana waan daaawan doona waxaana kamid ahay dadka sugi la’ Filmkaan.”

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *