Baba of Bollywood ayaa wareysi xiiso leh dhowaan bixiyay dhamaan wareysiga halkaan kuma soo bandhigi karno maadama uu dheeryahay markale ayaana si toos ah usoo bandhigeena balse suaalo kamid ah oo Dutt uu ka jawaabay ayaan soo qaadanay waxaana la jirtay xaaskiisa Manyata Dutt.

Sanjay waxaa ka weydiiyay isaga iyo xaaskiisa marke isku dhacaan qofka maslaxada keena oo raali gelin bixiya labadooda waxuuna sheegay Dutt in isaga yahay qofka marwalba raali gelin bixiya xitaa haduu gar leeyahay waxuuna dhahay,”waan ku qasbanahay waddo kale iima furna.”

Manyata oo dhinaciisa fadhiday aad ayee uqososhay iyadana waxaa la weydiiyay marke Filim isaga u maalgalineyso hadii ay mushaar siiso ama lacag la’aan uu ugu shaqeyo Kapil Sharma oo shactiroole ah waxuu hadalka ugu siidaray,”maadama kor iyo hoos mushaarkiisa aad adiga leedahay marka lacag la’aan miyuu Filimka kuugu sameya mise intaad siiso ayaad hadana ka ceshataa.”

Waxay tiri Manyata,”seddex meelood mushaarkiisa meel kamid ah ayaa siiyaa marka hore si uu shaqada duubista ugu soo jeedsado markii uu dhameyana duubista hal rupes xitaa masiiyo ileen lacagta kor iyo hoos anile iiso noqon lahed.”

Sanjay waxaa la weydiiyay filimada kale mushaarka uu ka helo lacagta dhamaanteed inuu xaaskiisa kuwareejiyo ama inuu kis ka reebto oo isaga isticmaalo waxuuna yiri,”wey yaryihiin ragga mushaarkooda kuwada wareejiyaan xaasaskooda laakiin aniga mawada siiyo qeyb ayaa ka reebtaa tusaale hadii Filimka aan ku sameeyo 7 Crore waxaan iyada kudhahaa filimkaas 5 Crore ayaa kusameyay waana tan waan kuuwada keenay lacagtii (kadib waa lawada qoslay).”

Dutt waxaa la weydiiya hadii qoyskiisa ka xanaajiyaan gurigana uu kasoo tago halkuu maskaxdiisa kudajiyo misane uu aado waxuuna yiri,”marwalba oo buuq guriga igu qabsado waxaan soo aada guriga Ajay Devgn waayo waa walaalkeyga iga yar oo kale saaxiib dhow ayaana nahay waqtigaan la joogo.”

“Buuq iyo dagaal guriga haduu igu qabsado Ajay gurigiisa ayaan aada misane qamri u doonta kahor inta aanan aadin waan wacaa haduu guriga joogo waxan dhahaa waan soo socdaa ee dhaladii dheered ii diyaari markaan utagana meesha ayaa kuso hawa gadistaa anigoo faraxsan oo xanaaqi iga dhamaaday balse qamri kasoo dhargay ayaa guriga imaadaa.”

Sanjay Dutt markuu hadalkaas dhahay waxaa halmar wada qosleen xaaskiisa Manyata Dutt, Kapil Sharma iyo dhamaan martidii barnaamijka ka qeyb galeysay oo la yaabeen arinkaa…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here