Superstar Sanjay Dutt ayaa la xaqiijiyay inuu laadar awood badan ka noqon doono Superstar Nandamuri Balakrishna filimkiisa xiga ee Telugu ama Tollywood ah kaasi oo si caalami ah loo sameenayo waana filim Action qiiro badan oo labadan halyee shaashada isku heli doonaan waxaana loo dhigayaa fariintiisa hab labadan Superstar loogu cadaalad falaayo awoodooda dhanka shaahada.

Filimkan waa midka 106-aad ee Balakrishna hogaamiye ka yahay waxaana Director ka ah Boyapati Srinu oo horey ugu sameeyay halyeegan aflaanta hirgaleen Simha iyo Legend waxaana laga filaa isku imaatinkooda markooda sedexaad inay wacdara kale dhigi doonaan ayadoo Sanjay Dutt aqbalay inuu filimkan laadar awood badan ka noqdo.

Filimkan weyn duubistiisa waxay bilaaban doontaa bisha December ee nagu soo fool leh waxaana lagu soo daray atirishada reer Kannada Rachita Ram sidoo kalena muusigada waxaa sameenayo Anirudh qorshahana wuxuu yahay mashruucan weyn ee aan weli magac loo bixinin la daawado xagaada dambe 2020.

Balakrishna oo adeer u ah Jr. NTR waxaa haatan u diyaarsan filimkiisa xiga Ruler oo la daawan doono 20 Dec 2019 halka Sanjay Dutt isagana u diyaarsan filimka Panipat oo uu laadar ku jilaayo lana daawan doono 6 Dec 2019 sidoo kalena Dutt waa markii labaad filim Koonfur Hindiya ah laadar ka noqonaayo asigoo haatan duubistiisa soo gaba gabeyn rabo filimka weyn KGF Chapter 2 ee Rocking Star Yash hogaamiye ka yahay lana daawan doono April 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here