Kiiska Sushant wararka cusub ee kasoo baxayaan ma ahan wax ay ku qanci karaan dhamaan taageerayaasha Sushant Singh meel walbe dunida ka joogaan waayo sheekada ama kiiska wajiga uu lahaa waji aan ahen ayuu lasoo baxay hadaba qodobadii udambeyeen kiiskan hoos kaga bogo:

Filimsameye Sanjay Leela Bhansali ayaa tagay saldhiga booliska Bandra sida balanta ahed waxaana la weydiiyay suaalo badan 2 saac ilaa 4 saac inta udhaxeyo ayuuna halkaas kusugnaa kadibna waa lasoo fasaxay hadaba booliska dhamaan jawaabihii Bhansali ma aysan wada sheegin.

Balse suaasha ugu muhiimsaned ee uu ka jawaabah waxay ahed 4-Filim oo uu Sushant la saxiixday ayaa jireen kuwaaso markii dambe atoorayaal kale sameyeen hadaba Bhansali sababta ayaa la weydiiyay waxuuna sheegay in Sushant isaga baxay mashaariicdaas maadama uu mashquulsanaa wuu ka cudur daartay inuu sameeyo ana atoorayaal kale ayaan la saxiixday ayuu yiri Bhansali.

Booliska hadalka Sanjay toos uma aysan qaadsn kaliya jawaabaha ayee ka rabeen waxayna rabaan hadhow baaritaankooda kadib iyo hadalka Bhansali meesha uu iska lahaado ine ogaadan waayo hadii Bhansali hadalkiisa iyo baaritaankooda is khilaafo markaas ine wax khaldanyihiin ayaa jireyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here