Sanju Vs Dangal: Mudo 10-maalmood ah 1 Crore ganacsi ah Dangal wuxuu dheer yahay Sanju!

Si Bollywood-ka u helaan filim Blockbuster ah oo iskoor lixaad leh sameeyo waxaa qasab ahayd in xili fasax qaran weyn jiro filimkaas tiyaatarada la saaro.

Balse hadda aragti cusub waxaa soo kordhiyay filimka Sanju oo ah in filimka haddii sheekadiisa ama fariintiisa wanaagsan tahay fasaxa inuu isaga abuuran karo!

Sidaa darteed filimka Bollywood-ka ugu lacagta badan Dangal wuxuu 1 Crore dheer yahay filimka Sanju marka la is bar bar dhigo 10-ka maalmood ee ugu horeyso ganacsiga ay sameeyeen!

Dangal waxaa la daawaday xiliyada fasaxa ugu muhiimsan madaama la daawaday dabyaaqadii 2016 fasaxyadii ciida Masiixiga iyo dabaal daga soo dhaweynta sanadka cusub.

Haddaba isku bar bar dhig lagu sameeyay Dangal iyo Sanju ganacsiga ay sameeyeen 10-ka maalmood ee ugu horeyso hoos kaga bogo:

Sedexda Maalmood Ugu Horeyso (First Weekend):

Dangal – 104.53 Crore

Sanju – 119.33 Crore

Maalmaha Shaqada (4-Maalmood):

Dangal – 87.85 Crore

Sanju – 80.73 Crore

Todobaadka Kowaad (7-Maalmood):

Dangal – 192.38 Crore

Sanju – 200.08 Crore

Todobaadka Labaad Sedexda Maalmood Ugu Horeyso:

Dangal – 70.36 Crore

Sanju – 61.75 Crore

10-Maalmood Ugu Horeyso Ganacsiga Guud:

Dangal – 263 Crore

Sanju – 262 Crore

Waxaa inoo muuqato in Sanju loolan adag kula jiro filimka weyn Dangal oo fasax weyn heestay xiligii la daawaday waana arin xiiso badan oo u baahan ka war sugid loolanka Sanju Vs Dangal.

6 Comments

    • Walaalkeen doodaas hadda ma taagno Sanju waa qasab inuu All Time Blockbuster noqdo balse lacag kuma xirno inuu darajadaas gaaro waxay kaga xiran tahay iskoorada gobolada Hindiya horey looga dhigay 13-ka gobol kala bar ka badan goboladaas inuu iskoorada lacagta la wareego sidaas ayuu filimka All Time Blockbuster ku noqon karaa.

Comments are closed.