Atariishada laga yaabanyahay baryahaan dambe sidoo kalana Bollywoodka xooga kusoo gashay Sara Ali Khan ahna gabadha uu dhalay jilaaga caanka ah ee Saif Ali Khan ayaa ka hadashay in ay ugu dambeyn la shaqeysay filim sameeyaha weyn ee Imtiaz Ali kaasoo horay looga bartay inuu filimada si heer sare u sameeyo.

Directed Imtiaz ali oo horay u sameeyay filimada guulaha wacan gaareen sida Jab We Met, Cocktail, RockStar iyo Love Aaj Kal ayaa haatan filimka Love Aaj Kal 2 ku mideeyay jilayaasha da’da yar ee Kartik Aryan iyo Sara Ali Khan waxaana goos gooskii maanta laga soo bandhigay uu abuuray hadal heyn weyn ayadoo durba amaan lagula dul dhacay qaabka uu Directed Imtiaz Ali u habeeyay goos gooska Filimkaan.

Hadana atariishada Dhalinta yar ee Sara Ali Khan ayaa sheegtay in ay tahay riyo u rumowday marba hadee la shaqeysay Directed Imtiaz Ali

Sara Ali ayaa tiri; ” Waa riyo ii rumowday inaan la shaqeeyo Mudane Imtiaz Ali asiga waa halyeey dagan, waana qof yaqaano waxa uu sameynaayo ugu yaraan xaalkeyga iyo sida uu igu soo helay aniga waa shooksanahay maanta waayo ilaa hada ma rumeysan inaan helay jaanis aan kula shaqeeyo asiga waa riyo ii rumowday”.

Waxaa xusid mudan in atariishada Sara Ali Khan kahor filimka Love Aj Kal ay sameysay filimada kala ah Kedarnath iyo Simmba waana labo filim oo guuleystay waliba Simmba Blockbuster weyn ayuu noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here