Sara Ali Khan iyo Kartik Aryaan oo kala haray iyo sababta kala haridooda ka dambeyso oo la ogaaday.

0
2129

Sara Ali khan waa gabadha uu dhalay jilaaga caanka ah ee Saif Ali Khan waxayna Bollywoodka kusoo biirtay dhawaanahan iyagoona la isku xamanaayay in iyada iyo jilaaga Kartik Aryaan uu ka dhaxeeyo xiriir jaceyl.

Inkastoo xiriirkaas jaceyl labada jilaa marnaba si rasmi ah ugu dhawaaqin hadana wax lawada ogyahay ayuu ahaa in xiriir uu ka dhaxeeyay ayagoona horay ugu midoobay filimka Aaj Kal kadibna xaflad kasta si wadajir ayay uga qeyb gali jireen.

Hadaba jilayaashaan da’dii labaataneeyada ku jiro ayaa go’aansadeen in xiriirkii jid marka ahaa joojiyaan si ay xooga u saaraan howlahooda shaqo isla markaasna mid kasta uusan haatan xiriir jaanis u heynin.

Arinkaan oo ay saxaafada India wax ka qortay ayaa baraha bulshada qabsatay haatana waxaa lagu soo waramayaa labadooda ineysan lamaano aheyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here