Sara Ali Khan ayaa ka qeyb gashay barnaamijka Kareena Kapoor ee Tv-yada laga daawado xalqadiisa udambeysay ayeena ku casuumtay sida la sheegay Sara Ali Khan maadama Sara 14 bishaan Feb usoo bixi doono Filimkeeda Love Aaj Kal.

Sidaa aawged xayeysiin ballaaran ayee sameyneysa hadaba gabar iyo eedadedd sheeko dheer ayaa meesha ku dhexmartay arimo badan ayeena goobta kaga hadleen oo qodob-qodob loo soo qaadanaayey 24-saac u dambeysay.

Sara waxay si rasmi ah ushaacisay wiilka nooca ay rabto mustaqbal inee la wadaagto iyo sifada muhiimka ah ee inuu la haado ay rabto waxayna suaashan kutimid mar ay ka hadlaayen xiriirka maanta jira iyo kii 20 sano kahor jiray isbarbardhig ay ku sameynayeen.

Kareena ayaa Sara weydiisay xiriirka maanta jira iyo jiilka maanta jira wiil noocee ayee kala dhex bixi lahed ama sifada ay Ragga ku dooran laheed ayaa wax laga weydiiya waxayna tiri”waa inoo daacad ahaado.”

Kareena ayaa hadalka qaadatay iyadoo yaaban”daacadnimo bas miyaa ku qaadane” kadib Sara ayaa tiri,”sido kale waa inuu ahaado qof dabci wanaagsan oo lala dhaqmi karo hadii aan helo wiil daacad ah dabeecad wanaagsana leh igu filan.”

Kareena ayaa la yaabtay dooqa Sara iyadoo jiilka maanta iyo dooqa xiriirka jira la wada ogyahay waxayna tiri Bebo,”waxaan ka hadleynay dooqa maanta iyo xiririka jira balse adiga dooqaada waxuu u muuqdaa kii bari samaadkii.”

Wey wada qosleen Kareena oo hadalka sii wadata waxay tiri,”waxaan u maleynaayey inaad soo tirin doonto waxyaabaha gabdhaha maanta soo tiriyaan markee dooqoda Ragga ka hadlayaan sida quruxda iyo qaabka ninka u muuqdo waa sheeyga kowaad dumarka maanta inta badsn Ragga ku qaatan balse dooqaada waa maxumo waana kugu raacay meesha wanaagsan aad ka xulatay.”

Dabcan Sara wiilka ah dooratay ma ahan mod hantiile ah sido kalena quruxlow ah balse waa wiil iska dhex dhexaad ah muuqaal ahaan balse labo sifo ayee rabtaa daacadnimo iyo dabeecad wanaag ninka noocaas ah ayee rabtaa inee mustaqbal la wadaagto.

1 COMMENT

  1. Thanks Ali Aadan barnaamijkan ana la socda waana sesone kii labaad sara Ali khan waa laga sii danbeeya saif iyo sonakshi baa dhiman kareena macal sodeh deed way ku waraysatay waliba si cajiiba kkkkkkkkkk shilpa. kajol .taapse. xitaa kartik aryan waa qaybta labaad kaliya qaybti hore xitaa actors badan bay ku waraysatay Youtube ka la soo galiya Ishq fm Chanel kaasa soo daaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here