Sara Ali Khan oo ay dhaleen xidigaha caanka ah Saif Ali Khan iyo Amrita Singh waa mid kamid ah atiriishooyinka ugu shidan Bollywoodka waqtigaan sido kalena mudo gaaban ayee taageerayaal fara badan ku heshay waxayna fanka soo gashay 2018.

Kedarnath iyo Simmba ayee 2018 kusoo caan baxday Sara waana labada Filim 2018 ay la timid halka 2020 ay la imaan doonto labo Filim kale oo kala ah Aaj Kal iyo Coolie No.1 xidigtaan dar dar ayee kusocotaa markaan.

Sanadka oo dhamaad ah aawgiis waxaa lasoo bandhigaa liis walba iyo waxqabad walba oo dhanka fanka ah shaqsiyaadka ugu saameynta badnaayeen iyo aflaamtoodaba.

Gudaha Pakistan waxaa laga soo daabcah 10-ka qof loogu baadi goob badnaa 2019 gudaha Pakistan waxayna Sara Ali Khan liiskan kasoo gashay kaalinta 6-aad maadama halkaas taageerayaal fara badan ku yeelatay oo xogteeda Google-ka ka baadi goobaan.

Adnan Sami ayaa liiskaas Pakistan hogaaminaayo balse waxaa nasiib daro ah gudaha India isla liiskan oo kale ayaa laga doo daabacay ee ah 10 qof India ah kuwooda loogu baadi goib badnaa Google-ka.

Sara kuma jirto liiskan waxaana kujiraan shaqsiyaad ay kamid yihiin Tara Sutaria, Vicky Kaushal, Ranu Mondal iyo kuwa kale cajiib ayee ku noqotay taageerayaasha Sara in liiskan laga waayo xidigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here