Inaba caadi ma ahan Sara Ali Khan sidee maanta u qabsatay Internet-ka kadib markii lasoo bandhigay goos gooska dhameestiran ee Filimkeeda Love Aaj Kal kaaso uu la hogaaminaayo Kartik Aryan waxaana mashruucan la daawan doonaa maalinta jaceylka aduunka (14 Feb).

Sara Ali Khan ayaa dunida ka yaabsatay markii la daawaday goos gooskan waayo qaab jiliin aan laga filaneynin ayee la timid xidigtaan waxaana si weyn loo faafiyay muuqaalada dareenka kudheehan ee goos gooskan kujiraan kuwaaso Kartik iyo Sara wadaagayaan.

Xiriirkii lamaanahan ka dhaxeyay ee mudada dheer xanta ahaa hader inuu run yahay ayee dad badan xukmiyeen sababto ah isku soo dhowaanshahooda iyo sidee u jileen muuqaalada dareenka ayaa lala yaabay waliba Sara ayadoo fanka kucusub ayee indho adkaan iyo ad adeeg cajiib ah muujisay.

Waxaa muuqata Sara inee soo karaar qaadatay markaan mustaqbal wanaagsana ay ka rajeyneyso Bollywoodka waxaana soo tabobareen xidigaan qoyskeeda sida Hooyaded Amrita Singh oo ahaan jirtay atiriisho karti badan, aabahed Saif Ali Khan oo qaab jiliin dhameeyay iyo eedaded Kareena Kapoor oo maqaam sare ka gaartay fanka.

Qaab jiliinka goos gooskeda lagu arkay iyo indha adeega ay muujisay waxay in badan ka shabahday ama u ekeed Amrita Singh iyo Kareena Kapoor waana mid ay kaga sareen doonto atiriishooyinka ay isku jiilka yihiin hadee joogteyso kartidan.

Waxaaba xusid mudan in Sara 10-ka atiriisho 2019 ugu fiicna Bollywoodka ay kujirtay xili atiriiishooyin iyada ka caansan laga waayey liiskaas sido kale abaal marino ayee u tartami doontaa hadee booskeedana sii xajisato qaab jiliinkeedana sii adkeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here